Gudoomiye Yariisow: “Fadlan Dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka, waxaana..”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa cambaareeyay dilkii uu sheegay in loo geysatay darawal Mooto Bajaaj iyo qofkii la socday oo ciidamada dowladda ay ku dileen Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan cambaareyneynaa dilka loogeystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa. Booliiska baa ku raadjooga askarigii dilka geystay. Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan..” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow

Maamulka G/Banaadir ayaanay hoos tegin ciidamada amniga, tasoo keentay inuu wax badan ka qaban waayey dilalka sida joogtada ay u geystaan ciidamada dowladda.

Ad

Bannaabaxyo ka dhashay dilka ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ayaa hareeyay wadooyinka u dhow Isgoyskaasi, iyadoo rasaas kale ay fureen ciidamada dowladda ay dhaliyeen qasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

121,092FansLike
801FollowersFollow
2,977FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!