Monday, July 21, 2025

Guriceel: Weerarkii ciidamada dowladda oo la caabiyay iyo Ahlu sunna oo ku sugan weli

Warar naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal qaraar oo gudaha degmada ka dhacay dib loo celiyay ciidamadii dowladda ee isku dayay inay saaka dib u qabsadaan Guriceel dagaal socday saacado oo khasaare badan dhaliyay.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa dib ula wareegay Guriceel kadib markii ay iska caabiyeen dibna u celiyeen ciidamadii dowladda  ee soo weeraray saaka isla markaana qabsadya qeybo ka mida degmada oo uu ka mid yahay saldhiga iyo xarunta degmada.

ahlusuna-sax

[ad name=”HTML-3″]

Dad ku sugan Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada suufiyada ee Ahlusunna hadda ku sugan yihiin Guriceel iyo agagaarkeeda iyadoo ciidamadii dowladda ay isaga baxeen kuna sugan yihiin meel aan u dheereyn. Rasaas goosgoos ah ayaa la sheegay inay ka dhaceyso duleedka degmada; saraakiisha ciidmada dowladda ayaa sheegay inuu weli dagaalku socdo.

Dagaalka Guriceel ayaa u muuqda mid ka sii daraya khasaarihiisuna sii kordhayo, iyadoo lagu waday in maamul loo sameeyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo degaanada lagu dagaalamayo ku jiraan.

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON