Shirkii uu madaxweyne Farmajo ugu baaqay madaxda maamul Goboleeyada dalka oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa baaqday, kadib markii ay qaadaceen madaxda maamul goboleedyada.
Shirkan oo Madaxweynaha ku baaqay inuu Muqdisho ka dhico 17-18 ka September ayaa yimid kadib shirkii Kismaayo ee ay madaxda maamul Goboleedyada kasoo saareen war-murtiyeed ay ku hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Federaalka iyo eedo badan oo ayu soo jeediyeen.
Waxa Muqdisho ku sugan hal madaxweyne oo ka tirsan maamul Goboleedyada, kaasoo ah madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la sheegay inuu wadahadal u gaara kula jiro dowladda Federaalka Soomaaliya.
Afarta madaxweyne ee kale ayaa soo saaray shuruduu ay ku xireen shirka uu ku baaqay madaxweynaha, kuwaasoo ay ka mid yihiin in shirka lagu qabto meel aan ahayn Muqdisho iyo in la helo dhinac kale oo dhexdhexaadiya labada dhinac.