Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in odayaasha degmada Beledxaawo ay waanwaan kula jiraan ciidamada taageera C/rashiid Janan oo la doonayo in dib loo soo celiyo.
Tan iyo shalay waxaa socday wadahadal u dhaxeeya ciidamada taageersan C/rashiid Janan iyo saraakiishooda, iyagoo ku sugan tuulo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya ee Beledxaawo iyo Mandheera, waxaana halkaasi ugu yimid C/rashiid Janan oo doonaya in ciidamadaasi ay tagaan Ceelwaaq ayna ka sameystaan fariisimo cusub.
C/rashiid Janan ayaa u soo wareegay degaannada xuduudka ee Beledxaawo markii ay ciidamada dowladda la wareegeen degmadadaasi, waxaana ciidamada taageera oo ka badan 100 ay wataan gaadiidka dagaalka oo gaaraya 11, iyagoo isaga baxay Doolow iyo Beledxaawo oo ay hore gacanta ugu hayeen.
Dadaalka odayaasha Beledxaawo ugu jiraan inuu heshiis dhex maro ciiamadaasi iyo dowladda federaalka ayaa mar kale saaka socda, waxayna wararku sheegayaan in guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee raacsanaa maamulka Axmed Madoobe ninka lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Alqaadi lagu qanciyey inuu Muqdisho tago, iyadoo ay waanwaan la wado dowladda Federaalka, waxaana la socda guddoomiyaha Baardheere ee maamulka Jubbaland.