Wednesday, July 16, 2025

Halkee ku dambeeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiran Yuusuf Dabageed…? [Baafin Siyaasadeed]

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo dhowaan ka hor yimid shirka Jowhar maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa laga waayay magaalada Beledweyne xilligan xasaasiga ah.

Guddoomiye Dabageed ayaa ka tegay Gobolka Hiiraan, isagoo warkiisa aan la maqal toddobaadkii ugu danbeeyay xilli ay Beledweyne ka socdaan olole lagu dhisayo maamul la baxay Hiiraan State oo la sheegay in ciidamo taabacsan ay joojiyeen.

DABAGEED: "Dhaawacii Qoladii Takfiirta waa diideen in la daweeyo
Guddoomiyaha Hiiraan -Y usuuf Axmed Dabageed

Baafin siyaasadeed oo Goobjooge.com gashay ayaa lagu ogaaday in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, isagoo qeyb ka ah wadahadal aan loo kala kicin oo ka socda Madaxtooyada Muqdisho.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Xawaale oo gaaraya ilaa shan Musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, waxaana xilkaas oo loo qoondeeyay beesha la musharax heshiis lagu yahay.

Akhri: Yuusuf Dabageed oo ka hor yimid shirka Maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe ee Jowhar

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wadata musharax, waxaana jira 4 musharax kale oo IGAD iyo dhinacyo kale taageero ka heysta. Wadahadalka ayaa lagu wadaa inay maanta ilaa caawa ka soo baxdo natiijo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON