Kadib markii degmada Beledxaawo iyo gudaha Soomaaliya laga saaray ciidamadii Jubbaland ee taacsanaa Wasiirkii Amniga maamulkaasi C/rashiid Janan ayaa la is weydiinayaa halka ay ku danbeeyeen mas’uuliyiintii Jubbaland ee dagaalka hoggaamineysay.
Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan) iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa muddo Bil ah ku sugnaa magaalada Mandheera ee dalka Kenya, iyagoo markii hore Hotel ka kireysay magaalada, ayna ilaaliyeen ciidamo ka tirsan Kenya; laakiin Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in C/rashiid Janan uu maalmihii ugu danbeeyay Guri ka kireysay degaanka Xuduudka ee BP1 (Border Point 1).
Xidhibannada laga soo doorto Gobolka W/Bari ayaa dhowr jeer dowladda Kenya ugu baaqay inay dhulkeeda ka saarto wasiirka baxsadka ah ee dowladda Soomaaliya ay raadineyso, waxayna sheegeen inuu taageero ka heleyo ciidamada Kenya, colaadna u horseedayo Mandheera.
Kadib dagaalkii shalay ka dhacay Beledxaawo ciidamada Kenya ayaa C/rashiid Janan iyo saraakiisha ciidamada taabacsan u galbiyey saldhigga ciidamada Milateriga ee Kenya ku leeyihiin magaalada Mandhera, waxaana arrintan ka dambeysay markii ciidamada Jubbaland ku jabeen dagaalka ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Halka Maxamud Sayid oo isna hore u deganaa hotel ku yaalla magaalada Mandhera ayaa ku sugan xerada ciidamada Kenya ee Mandhera.
Warar soo baxayey maalmihii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu xumaaday xiriirka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo C/rashiid Janan iyagoo isku maandhaafay qaabka loo wajahayo xaaladda Gobolka Gedo oo ay kasoo wada jeedaan una qaabilsan yihiin Axmed Madoobe.