Dowladda Soomaaliya ayaa xeer jajab hoose iyo heshiis ku dhammeysay dacwadii ka dhanka ahayd siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo dhibaatadii ka dhalatay weerarkii NISA ku qaaday 17 March 2017.
Heshiis uu ka shaqeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu soo afjatay dacwadi siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxaana lacag Diyo ah ay dowladda ka bixisay 6 qof oo ku dhintay weerarkii lagu qaaday Guriga siyaasiga.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa boggiisa ayaa markii ugu horeysay ka dhoofay garoonka Muqdisho, isagoo gaaray magaalada Nairobi, kadib markii dacwadiisii la baab’iyey, iyadoo ay saarneyd xayiraad ku saabsan inuusan Muqdisho ka bixi karin.