Friday, June 18, 2021

Halkee kusoo kusoo dhammaaday Kiiskii Dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor..? (Dhageyso)

Waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay 18-kii October 2019-kii, taliyihii ciidamada Gorgor Gaashaanle Maxamed Suleymaan Abiikar Maxaadey.

Dilka taliye Maxaadey ayaa xaalad kacsan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa geystay ilaalada Hotelka Maa’ida ee u dhow Madaxtooyada Soomaliya xilli uu habeennimo ku socday wadaddaasi.

Taliye Maxaadey oo ka howlgeli jiray Gobolka Sh/hoose ayaa lagu soo tababarray dalalka Turkiga iyo Uganda, waxaana 13-kii May 2020 Maxkamadda Ciidamada lasoo taagay 4 eedeysane oo dilkiisa lagu eedeeyay, iyadoo laba ka mida lagu xukumay dil toogasho ah, markii lagu helay dilka Taliye Maxaadey iyo askari la socday.

Ad

Kiiska ayaa kusoo dhammaaday markii Aabaha dhalay Taliyaha ee Suleymaan Abiikar uu cafiyey, wxuuna Galka Vaarista ua sheegay inuu iska cafiyey afartii eedeysane, iyadoo sidaasi lagu sii daayey afartiiba, isla markaana laga noqday xukunkaasi.

Dhageyso Galka Baarista VOA-da ee kiiskan

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow
158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!