Thursday, June 26, 2025

Hanti-dhowraha oo shaaciyay in Dowlada Federalka Qeyb ku leedahay Dekadda Garacad

Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Somaliya Amed Ciise Guutaale ayaa sheegay in Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug ay ku jirto lacag Hanti qaran ah oo ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu ku faahfaahiyey shaqada hanti-dhowrka iyo ilaalinta Hantida dowladda, wuxuuna markii ugu horeysay ka hadlay maamul Goboleedka Puntland iyo dhismaha Dekadda Garacad.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in asalka maalgelinta dekadda Garacad lagu daray lacag kasoo baxday xeryihii ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Mudug Siinaay iyo Kabidda, oo Puntland ay ku iibisay lacag ku dhow 20 Milyan Dollar.

Wuxuu intaas ku daray in hantida ciidamada Xoogga Dalka ay tahay mid u dhaxeysa umadda oo sidaasi sharciga dheef wadaaga dowlada lagu dhaqo.

Xukuumadda ayuu sheegaya inay ka reeban tahay inay heshiisyo la galaan dalal iyo shirkado shisheye, ayna tahay inuu ansixiyo Golaha Wasiirada, lana diiwaan geliyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON