Wednesday, July 9, 2025

Hanti dhowrihii xilka laga qaaday: “5 Milyan ayaa ku jirtay Khasnada Dowladda markii Farmajo la doortay..”

Hanti-dhowrihii hore xilka laga casilay Nuur Faarax Jimcaale kadib markii ilaaladiisa ay dileen wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya ayaa saxaafadda kasoo muuqday isagoo u jawaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay inaysan waxba ka jirin hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ahaa in markii uu xilka la wareegayay ay marneyd Khasnadda Dowladda.

Nuur Faarax ayaa sheegay dowladdii hore ee Xasan Sheekh inay la tagtay lacag ku jirtay Bankiga Dhexe oo aheyd in ka badan 5 Milyan oo doolar, waxa uu intaas ku daray in uu hayo caddeymihii lacagtaasi.

Hanti dhowraha xilka laga eryay ayaa hore ugu eedeeyay dowladii Xasan Sheekh inay dhacday lacag dhan 110 Milyan oo ka mid ahayd xisaabxirka miisaaniyadda sanadihii 2015 iyo 2016 oo xilka ka degeen iyadoo aan la xisaab celin. Wuxuu kaloo 19 wasiir oo ka mida xukuumadda C/weli Sheekh ku eedeeyay inay midka ugu yar uu dhacay lacag ka badan Nus Milyan Doolar iyadoo aanay jirin wax uu ka qabtay iyo caddeymo uu bixiyey midna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON