Hanti-dhowraha xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay inuu diyaarinayo dacwad ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Wuxuu ku eedeeyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre inay si sharci darro xilka uga qaadeen, isla markaana ay jabsadeen xafiiskiisa.
Nuur Faarax wuxuu ku dooday in xafiiskiisa lagala baxay documentiyo qaarkood lid ku ahaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo sida uu sheegay ku xadgudbay dowladnimadii.
“Ilaalada Madaxtooyadda oo ku shaqeynaya amarka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskeyga jabsaday oo la baxay documentiyo iyo agab kale, waana tallaabo ay ugu xadgudbeen sharciga iyo nidaamka dowliga ah”ayuuu yiri Nuur Faarax oo sheegay inuu dacwad ka dhan ah madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha u gudbin doono Maxkamadda sare.
Hantidhowraha xilka laga qaaday ayaa weli sii wada qeylo dhaan ku saabsan inaan xilka laga qaadi karin, xilli xukuumadda ay xilkii ku wareejisay ku xigeenkiisii.
Goobjooge.com