Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa digniin u diray afar wasaaradood oo uu sheegay inay faraha kula jiraan arrimo sharci darro ah xilligan kala guurka ah ee dalku marayo.
Hanti dhowrka guud ayaa Wasaaradahaasi ka dalbaday inay hakiyaan bixinta ruqsadaha kalluumaysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tayada badeecadaha oo aan loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Xafiiska Hantidhawrka Guud
124 Janaayo, 2022
WAR-SAXAAFADEED
Xafiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, waxa uu maalmihii la soo dhaafay ku guda jiray hubin iyo dabagal ku aaddan arrimo la xiriiray hay’adaha qaar ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilligan kala guurka ah ku howllan tallaabooyin aan waafaqsanayn hannaanka sharciga iyo dowlad wanaagga kuwaas oo saamayn dhaqaale iyo mid horumarineedba ku leh dalka.
Arrimaha Xafiisku uu dabagalka ku hayay ayaa waxa ay la xiriireen hay’ado ay ka mid yihiin Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda, Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta, iyo Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka.
Xafiisku waxaa uu jawaabta ku habboon ka bixiyay sidoo kalena ku wargeliyay hay’adaha ay khuseyso in la hakiyo bixinta ruqsadaha kalluumaysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tayada badeecadaha oo aan loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan. Xafiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxaa uu u taagan yahay illaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo ka hortagga kuxadgudubka, kutagrifalka awoodaha iyo maamul xumada ku aaddan hantida.
Ugu danbeyntii, waxaan dhammaan hay’adaha Dowladda iyo mas’uuliyiintoodaba si adag uga digaynaa falalka lagu baalmarayo shuruucda dalka oo ay ka dhalanayso khasaaraha hantida ummadda iyo u hoggaansanaan la’aanta shuruucda dhaqan galka ah ee uu dalku leeyahay. Mas’uul waliba oo ku sifooba falalkaas aan ka digeyno waxaan la socodsiinaynaa in lala xisaabtami doono iyadoona sharciga lala tiigsanayo.
DHAMMAAD
Xafiska Hantidhawrka Guud.
Muqdisho, Soomaaliya

