Sunday, July 6, 2025

Siciid Deni oo ku laabtay Garowe xilli ay xaalad Culus kasoo food saartay magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Garoowe, kadib laba toddobaad oo uu ku sugnaa caasimadda Muqdisho.

Siciid Deni waxaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport kusoo dhoweeyay, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Saraakiil Madaxtooyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa xalad adag kasoo food saartay magaalada Boosaaso, markii qaar ka mida Isimada Puntland ee kasoo jeeda Gobolka Bari ay xalay soo saareen Go’aanno ay kula safteen agaasimaha xilka laga qaaday ee hay’adda PSF Maxamuud C/llaahi Diyaano, isla markaana xaalado cusub oo dakhli qeybsi ah iyo eryida shirkadda DP World ka dalbadeen maamulka Siciid Deni.

Guddiyadii ku dhex jiray xalinta dagaalkii ka dhacay Boosaaso ayaa ku kala qeysamay sida loo wajahayo xaaladda, waxayna isimada go’aannada adag soo saaray ahaayeen kuwii hore u dalbaday in Maxamuud Diyaano loo dhaafo hubkiisa, lana siiyo lacago ka maqan.

May be an image of 13 people, people standing, aircraft and outdoors
May be an image of 14 people, people standing, airplane and outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON