Monday, January 17, 2022

Isimada Gobolka Bari oo Go’aan lama filaan ah kasoo saaray xalinta Dagaalkii Boosaaso (Akhriso)

Hay’ada PSF waa inay ahaato sideedii hore, agaasimaheeduna ahaado Sareeyo Guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi

Isimada Gobolka Bari ee mamulka Puntalnd ayaa soo saaray Go’aan lama filaan ah oo ay soo jeediyeen in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Hay’adda PSF iyo dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaso.

Qoraal ka kooban 6 qodob ay Ismimada bari ku dalbadeen inuu xilka sii hayo Agaasimihii Hay’adda PSF ee xilka laga qaaday maxamuud C/llaahi Diyaano, lana heshiisiiyo isaga iyo Madaxweynaha Puntalnd, waxay kaloo dalbadeen in la laalo heshiiska DP World ku maamusho dekadda Boosaaso, isla markaana 17% dhaqaalaha kasoo baxa Dekadda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada.

Ad

Talo soo jeedinta iyo go’aanka qaar ka mida isimada kasoo jeeda Gobolka Bari ayaa loo arkaa mid hal dhinac ah oo uga sii daranaya xaalada Boosaaso iyo dadaalkii loogu jiray xalinta arrinta Boosaaso, taasoo muujineysa khilaafka weyn ee ka taagan dhinacyada siyaasadda Puntland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ISIMADA

Taariikhda:11/01.2022

- Advertisement -

Ku : Madaxwaynaha Dowlada Puntland

UJEEDO: Gudoon Isimo Kadib shirar uga socday isimadda dhaqanka Puntland gobalka Bari, Bosaso dhibtii ka dhacday magaalada Boosaaso 21-23/12/2021.

Markaan la kulanay bulshada qaybaheeda kala duwan, culimada, ganacsatada, haweenka, siyaasiinta, iyo cuqaasha iyo cid kasta ay khusayso arinkaan kor ku xusn Markaan lasameynay wadatashiyo Isimadii noo yimid Markaan u kuurgalnay shaqada ciimadada PSF ay dowlada Puntland u hayaan, inay yihiin ciidan aan laga maarmikarin tayadooda, aqoontooda, xirfadooda iyo kalinta ay ugu jiraan amniga iyo difaaceeda dowlada Puntland waxaanu gudoominay

1- Gogol dib uheshiisiineed inaan udhigno madaxwaynaha dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani, saraakiisha PSF iyo masuuliyintii hogaaminaysay ciidamada dhinaca dowladda Puntland ee dirirtu ku dhex martay magaalda Bosaso.

- Advertisement -

2- Hay’ada PSF in ay ahaato sideedii hore, agaasimaheeduna ahaado Sareeyo Guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi, kana shaqayso dib u hagaajinta, tayeynta iyo dib u dhiska ciidnkii kala irdhoobay iyo difaaca Puntland.

3- Dhibkii ka dhacay magaalada Boosaaso 21-23/12/2021 in loo bandhigo shareecada Islaamka xukunkeeda

4- Waxaan usoo jeedinayna Dowlada Puntland in laga laabto heshiiskii Dekeda Bosaso DP World (P&O Ports), maadaama aysan qaban wax la taaban karo mudo ku dhaw 5 sanno.

5- Waxan go’aaminay in 17% dakhliga dekeda magaalada boosaaso loo qoondeeyo horumarinta magaaladda, Dhaqalahaas waxaa gacanta ku hayn doona si wada jir ah Isimada dhaqanka iyo Gudigga horumarinta magaalada loo samayn doono kuwaaso noqon doona Gudi Aamin ah Insha Allaah.

6- Wasaaradaha Downlada Puntland iyo Hay’adihii Caalamiga ahaa ee laga raray magaalada Boosaaso in dib loogu soo celiyo madama ay tahay ishii dhaqaalaha iyo caasimadii ganacsiga Puntland.

Fiiro Gaar ah: Magaalada Boosaaso oo ah magaaladii hooyada u ahayd ummada Soomaliyeed kadib burburkii dowlada Soomaaliya 1991 mudadii ay jirtay Dowlada Puntland, isla markaana aan magaalada ganacsiga isha dhaqaalaha Dowlada Puntland inka ka badan muddo 30 sanno ah ma aysan helin wax tix galinivo horumarin lataaban karo ah.

Talo soo jeedin

Isimada dhaqanka waxay soo jeedinayaan in Dekedda ay dhistaan ganacsatada reer Puntland gaar ahaan iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed, si loo dar dar galiyo balaarinta, dhamaystirka iyo qaabaynta dekedda Boosaaso.

Waxaa saxiixay Isimada Gobolka Bari ee kala ah:

1- Boqor Burhaan Boqor Muuse

2- Ugaas Xasan ugaas Yaasiin

3- Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil

4- Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax

5- Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

6- Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,848FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,848FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!