Monday, November 28, 2022

Hanti-dhowrka Guud oo soo bandhigay Warbixin Naxdin leh sidii loo maamulay Miisaaniyadii 2021

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021, taasoo si naxdin leh u soo bandhigeysa maamulka maaliyadda dowladda ee aan lo marin qab sharciyeed.

Warbixinnada ayaa lagu xusay xog muhiim ah oo ku aaddan khaladaad la xiriira sida Hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha dibadda iyo daymaha qaranka.

Hnti-dhowrka Guud ayaa ka digay in khaladaadka soo noqnoqday ee maamulka Maaliyadda dalka ee aan la sixin, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee khaladaadka Miisanaiyadda 2021 ka mida:

  • Dhaqaalihii lagu helay Covid-19 oo xisaab sax ah laga helin
  • Lacago deeq ah oo an miisaaniyada lagu darin
  • Deyn ku dhow 100 Milyan oo aan la ogeyn qaabka loo maamulay
  • Lacago si ka baxsan Miisaaniyadda ay u qaadaan safaaradaha Nairobi iyo Addis oo la isticmaalo
  • Mashaariic lacagta ugu badan lagu maalgeliyo oo aan si sax ah loo maamulin
  • Shaqsi Ajnabi ah oo heysta Nidaamka Maaliyadda dalka lagu keydiyo iyo halis ka taagan.
  • iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda aad u liita
Ad

Warbixinnada ayaa waxay kala yihiin:

1. Warbixinta Baarista Maaliyadeed (Xisaab-xirka DFS)
2. Warbixinta U Hoggaansanaanta Sharciga
3. Warbixinta Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo U-dhammaanshaha Iibka la xiriira COVID-19.
4. Warbixinta Dib-u-eegista Habraaca Xukuumadda ee Mashaariic Hay’adaha Caalmiga
5. Warbixinta Baarista Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS)

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA OO DHAMMEYSTIRAN

- Advertisement -

Click to access Baarista-Warbixinta-Maaliyadeed-ee-Dawladda-Federaalka-Soomaaliya-2021.pdf

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!