Tuesday, June 24, 2025

Hanti-dhowrka oo ka hor yimid heshiiskii looga saaray Xabsi Gurigii Madaxtooyada

Hanti-Dhowrkii Guud ee  xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale ayaa laga saaray xabsi gurigii uu ku jiray.

Hanti dhowrka ayaa dib u helay xoriyad kadib markii ay waanwaan ka galeen odayaal & xildhibaanno ka tirsan beesha uu kasoo jeedo oo balanqaaday inay damiinteen inta dacwadda ku socoto mar haddii xilka laga qaaday.

Dr. Nuur Faarax ayaa shalay la dejiyay Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, laakiin waxaa dhacday inuu weli sheeganayo inuu yahay hanti dhowrka Qaranka, isagoo sheegay inaan xilka looga qaadi karin qaabka Ra’iisal wasaaraha u dhigay.

Wuxuu la hadlay saxaafadda gudaha, isagoo ku adkeystay inta Baarlamaanka fasaxa ku maqan uu kasoo laabanayo una codeynayo xil ka qaadistiisa inuu isagu yahay hantid dhowrka guud.

Xaalada kiiska dilka wasiirkii howlaha guud iyo xilka qaadista hanti dhowrka ayaa mugdi sii gashay iyadoo dhinaca kale ay ku soo baxeen xildhibaanada labada dhinac oo sheegay inay qaab xeer Soomaali ah ku dhammeynayaan arrinta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON