Saturday, August 2, 2025

Hanti-dhowrka oo soo saaray Warbixinta Maaliyadda Dowladda 2022 iyo Xisaab-xirkii oo..

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa maanta Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u gudbiyay Warbixin Baariseedka sanadlaha ah ee u Hoggaansanaanta Sharciga (Compliance Audit Report).

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Hnatidhowrka wuxuu sidoo kale Baarlamaanka u gdubiyay Warbixinta Baarista Maaliyadeed ee Dowladda (FGS Financial Audit Report) ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2022.

Warbixinnadan labada qeybood ka kooban ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga, iyadoo loo soo bandhigi doono dadwaynaha muddo hal bil ah kadib ,sida uu qabo Qodobka 45, farqaddiisa 4 ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ee 25/12/2019).

Warbixntan ayaa timid xilli xasaasi ah oo dowladda Federaalka ay sheegtay inay dagaal kula jirto Musuqmaasuqa, waxayna ku soo beegantay iyadoo xukuumadda Soomaaliya aysan Baarlamaanka u gudbin xisaab-xirkii Miisaaniyadda sanadka 2022 oo la filayay in la helo bishii June.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta warbixinaha Maaliyadda sanadlaha ah u gudbiyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay ee Xafiiska Hantidhowrka uu kusoo gudbyso warbixintiisa waqtigii loogu talagalay, iyadoo loo eegayo waajibaadka sharciga ah”. ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka Axmed Ciise Guutaale.

Dowladii Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadii jiray ayaa lagu eedeeyay inaysan muddo 4 sano ah wax xisaab-xir ah sameyn (2018, 2019, 2020 iyo 2021), iyadoo Guddi guddigii loo saaray inuu dabagal Baarlamaanka ku sameeyo uu shaqeyn waayey, markii guddoomiyihiisii uu noqday Wasiirka Maaliyadda ee xilligan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON