Madaxweynaha Turkiga ee dhowaan loo doortay Recep Tayyip Erdogan mar kale xilka ayaa la shaaciyay hantida uu heysto, sida uu qoray Wargeyska rasmiga ah ee dowladda Turkiga.
Hantida uu shaqsi ahaanta u leeyahay Madaxweyne Erdogan ayaa lagu sheegay inay gaareyso 6,347,000 (Lix Milyan, Saddex boqol, afartan iyo toddoba kun) oo ah Liiraha dalka Turkiga oo u dhiganta lacag dhan $300,000 oo doolar, waxayna lacagtani kala taallaa ilaa saddex Banki oo Turkiga ku yaalla.
Waxaa kaloo la sheegay in madaxweyne Erdogan uu Dhul beereed ku leeyahay Gobolka Riza ee dalka Turkiga, kasoo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 2600 oo doolar, iyo Guri uu ku leeyahay magaalada Istanbuul oo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 200-kun oo Doolar.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa hantidiisa ka mida Gaari nooca AUDI A8 oo qiimihiisu yahay 50,000 doolar, waxaana xusid mudan in wargeyska dowladda Turkiga uu sheegay in Madaxweynaha Turkiga lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan 420-kun oo Doolar, waxaana lacagtaasi ku leh ganacsadaha Mohame d Gour.