Luul Maxamed Sheekh Cusmaan oo ah haweeney uu dhalay Wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladii hore ayaa farriin u dirtay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, iyadoo ka cabaneysa sarkaal heysta dhul ay leedahay.
Luul waxay sheegtay in Dhulka Hotelkii Taleex ee magaalada Muqdisho oo iyadu maalgelisay, hanti badanna uga baxday ilaa 1988 uu xoog uga heysto sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kaasoo ku heyb ah Ra’isal wasaaraha, isla markaana uu kireysanayo hantidaasi.
Waxay intaas ku dartay in muddo 25 sano ah ay fiirsaneysay hantideeda oo sarkaalkaasi heysto, ayna ku jiraan Ceel ay ka qoday iyada, haddana qeybtii Maqaayadda ahayd ka kireystay Iskuulka Ileys Academy, kana furtay Garaash kiro ah, iyadoo ugu baaqday inuu arrintan soo dhex galo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Haweeneydan waxay ku doodeysaa in dhulkaasi oo iyadu dowladdii hore siisay uu xoog uga heysto sarkaal ay magaciisa ku sheegtay G/Sare Xuseen Sheekh, kaasoo ay ku eedeysay inuu gaadiid dagaal iyo tikniko u adeegsaday, isla markaana uu gacan ka helayo madaxda degmada Hodon oo dhammaantood kasoo jeeda hal beel, sida ay tiri.
Waxay ku hanjabtay haddii uu Ra’iisal wasaare Rooble wax ka qaban waayo arrintan inay tallaabo qaadi doono oo beeluhu aanay kala hub badneyn, halkaasina wixii ka yimaada uu mas’uuliaydeeda qaadi doono Ra’iisal wasaare Rooble.
HOOS KA DAAWO
