Wednesday, June 25, 2025

Haweeney Caan ah oo toogasho lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay galabta toogasho ku dileen haweeney caan ka ahayd suuqa Bakaaraha ee ugu weyn magaalada.

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii dableyda ay guriga ugu galeen haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Nuura Aadan Guutaale.

Haweeneyda ayaa ka mid ahayd ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana xilliiga falka dilka dhacay ay ku sugneyd albaabka hore ee gurigeeda oo ay la joogtay saygeeda oo indhoole  ahaa.

Dableyda dilka arxan darrada ah geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana goobta ku soo xoomay dadkii ku sugnaa suuqa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON