Wednesday, June 25, 2025

Haweeney lagu dilay magaalada Muqdisho. [Faahfaahin dilal kala duwan oo maanta dhacay]

Dilal kala duwan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana lasoo weriyey in ilaa saddex qof siyaabo kala duwan loogu dilay caasimadda.

Koox hubeysan ayaa caawa xaafadda Maanaboolyo ee dhinaca degmada Boondheere ku dishay haweeney lagu magacaabi jiray Baxsan Boolaay oo la sheegay inay ka mid ahayd  ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana weerar ku qaaday nin Bistoolad ku hubeysan, waxayna u geeriyootay rasaastii lagu furay.

Dhinaca kale qof ayaa maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan qofka la dilay inuu ahaa qof shacab ah iyo inuu hubeysaa oo ciiiamada amniga ay toogteen.

Maanta Duhurtii ayey ahayd markii Darwal mooto Bajaaj lagu dilay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana falkaasi geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo dadka degaankaasi ay bannaanbax ka dhigeen goobta dilku ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON