Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu galabta magaalada Muqdisho ku dilay haweeney ganacsato ah oo iibisa Qaadka.
Askarigan oo la sheegay inuu ilaalo u yahay guddoomiyihii hore ee degmada Balcad ayaa muran dhex maray haweeneydan oo Qaadka ku iibisa meel u dhow saldhiga Booliska Degmada Kaaraan , kaasoo keenay inuu rasaas ku furo, goobtiina ay ku geeriyootay.
Ciidamada Booliska ayaa dabagal ku sameeyay askariga oo isku dayey inuu baxsado, waxayna ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan, laguna xiro saldhigga Kaaraan oo falku ka dhacay.