Friday, June 27, 2025

Haweeney Hindi ah & Caruurteeda oo laga badbaadiyey afduub uu Ninkeeda ku heysatay Muqdisho..!


Haweeney u dhalata dalka India oo lagu magacaabo Afreen Begum iyo saddex gabdhood oo ay dhashay ayaa laga badbaadiyey ninkeeda oo la sheegay inay ugu afduubnaayeen magaalada Muqidsho.

Qisada arrintan oo waxaa qoray Indian Today, waxaan howlgalka lagu soo badbaadiyay haweeneyda iyo caruurteeda fuliyey Booliska Soomaaliya, kadib markii uu ninkeeda iyo caruurta aabahood uu Muqdisho ku heysatay ilaa bishii July 2018.

Ninka Soomaaliga ah ee haweeneydan qabay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xuseen Ducaalle ayaa ku guursaday dalka India, isagoo ka shaqeynayey dalkaasi, wuxuuna muddo kadib ku qanciyey inay iyada iyo caruurteeda booqdaam qoyskiisa oo degan magaalada Muqdisho, kadibna waxaa la waayey xiriirkeeda iyadoo ay kala go’een qoyskeeda.

Arrinta haweeneydan waxaa soo farageliyay a’iisul wasaaraha India Narendra Modi, kadib markii haweeneyda Afreen ay si qarsoodi ah ula xiriirtay qoyskeeda una sheegtay in afduub lagu heysto arrintaas oo uu ka caawiyey qof deris la ahaa.


Afreen Begum oo 31-sano jir ah iyo caruurteeda ayaa lagu wadaa inay maanta 2-da bisha April 2019 ay ka degaan magaaladda Mumbai si ay ugu sii gudbaan Hyderabad oo qoyskeeda uu degan yahay.

Ninka xaaskiisa iyo caruurtiisa ku afduubtay Muqdisho ee Maxamed Xuseen Ducaale ayaa heysta dhalashada dalka Canada, waxayna reerkiisu ay ku nool yihiin Soomaaliya, waxaana wargeysku sheegay inuu qaraabo la yahay hoggaamiye kooxeed.

Haweeneyda iyo saddex gabdhood ee ay dhashay ayaa shalay ka duushay Muqdisho iyadoo raacday diyaarada Ethiopian Airlines oo ay kaga degtay magaalada Addis Ababa,. waxaana maanta laga sugayaa dalk India.

Ma jirto wax war ah oo laga helay dowladda Soomaaliya iyo qoyska ninka falkan lagu eedeeyay ama ninka laf ahaantiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON