Friday, July 18, 2025

Haweeney loo soo magacaabay Safiirka cusub ee UK u fadhin doonta Soomaaliya

Safiir cusub ayey dowladda Ingiriiska usoo magacawday Soomaaliya, taasoo bedeli doona safiirka waqtigiisu dhammaaday ee xilligan Ben Fender.

Xafiiska Arrimaha dibadda Boqortooyada Midowday ee UK ayaa shaaciyey in Ms Kate Foster loo magacaabay inay noqoto safiirka cusub ee UK u fadhin doona Soomaaliya, waxayna si rasmi ah xilka ula wareegi doonaa bisha Febraayo 2021.

Kate Foster ayaa xilal kal duwan soo qabatay, waxayna noqotay agaasime ku xigeenka qeybta arrimaga caalamiga ah iyo Amniga Qaranka UK. Waxay kaloo madax ka noqotay Qeybta Horumarinta caalamiga ah ee Afrika, iyadoo kasoo shaqeysay dalalka Yeman , Sierra Leone, South Sudan, Liberia iyo dalal kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON