Haweeney oo lagu wareejiyey Guri muddo 28 sano ah looga heystay magaalada Muqdisho. (Sawirro)

Haweeney Soomaaliyeed oo muddo ku dhow 30 sano Guri looga heystay magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeyn maamulka Gobolka banaadir ku wareejiyey gurigeeda.

Guddoomiyaha G/Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa Luul Maxamed Axmed (Luul Digriyow) ku wareejiyey guri ay lahayd oo laga haystay muddo 28 sano ah, iyadoo dadkii deganaa gurigaasi ay diideen inay banneeyaan, balse loogu hanjabay in sharciga la horgeyneyo ayna xabsi nuteysanayaan, isla markaana la rabo kiradii 28-ka sano ee Gurigaasi.

Furaha guriga ayaa lagu Luul Maxamed oo mulkiyadda guriga lahayd, iyadoo uga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir soo celinta gurigeeda oo sanaddo badan ka maqnaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,029FansLike
1,064FollowersFollow
3,196FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!