Gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar ayaa markii ugu horeysay kusoo baxday tartanka Kursiga Golaha WakiiladaGobolka Minnesota ee dalka Mareykanka,
kadib markii ay booska ka riixatay haweeney lagu magacaabo Phyllis Kah, kaasoo muddo 44 sano xilkaasi ku dheganeyd.
Wareegii is reebreebka kursigan ee golaha Wakiilkada Minnesota ee xisbiya Dimoqraadiga ayaa Ilhaan Cumar kaalinta hore ku soo baxday waxayna u badan tahay inay ku guuleysato doorashooyinka Novembar dhacaya. Ilhaan waa 33 sano jir ka soo shaqeysay dowladda hoose ee Gobolkaasi, ahna haweeney caan ah oo u ololeysa arrimaha bulshada iyo siyaasadda.
Kursiga waxaa ku loolamay Ilhaan iyo wiil Soomaali ah oo Maxamud Nuur lagu magacaabo, waxayana Ilhaan heshay 41%, halka Maxmaed uu helay 31%, Kahn ayaa iyadu heshay 29% kaliya. Tani waxay ka dhigan tahay inay Soomaali heshay 71% kursigan taasoo ah taariikh kale.
Waa qofkii ugu horeysay ee Soomaali muslim ah oo taaariikhdan sameeya, iyadoo taas oo kaliya maahee ay noqotay qofkii kursigan kala wareegtay haweeneysay Phyllis Kahn wuxuu xildhibaan ahayd muddo 44 sanadood ah.
Doorashooyinka November ayaa lagu wadaa inay Ilhaan si dhib yar kursigan ugu guuleysato iyadoo noqon doonta qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo xilkan ku guuleysta. Dabaaldeg weyn iyo farxad ayaa hareysay Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, iyadoo saxaafadda dalka Mareykanka ay si weyn u faaqideyso dhacdadan.
DABAALDEGGA DAAWO
The joy @IlhanMN's husband & youngest daughter possess. Beautiful. #60B #time4ilhan pic.twitter.com/p6aZdrdYGD
— Amber J (@ZakiyaSankofa) August 10, 2016