Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu qof dumar ah toogasho ku dilay degmada Howlwadaag gaar ahaan xaafadda Ceel-hindi.
Dhacdada dilka ayaa ka danbeysay markii xalay Magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa wax u eg hoobiyeyaal inkastoo markii dambe dowladda ay sheegtay inay ahaayeen baco qaraxyo dheemish ah lagu soo shubay.
Dad ka cararay qaraxyada oo kala ordayay oo haweenaydan ayaa ka dul dhacay guri askari illaalo ah uu hor fadhiyay oo ku yaalla dhabarka dambe ee Hotel Wehliye, gaar ahaan xaafadda Ceel hindi kadibna askarigii ayaa dadkaan rasaas ku furay.
Haweenay ayaa ku geeriyootay, rasaasta, waxaana ku dhaawacmay nin ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa oo caloosha rasaas ay kaga dhacday.
Maydka haweenayda ayaa meesha laga qaaday, iyo ninkii dhaawaca ahaa, iyada oo uu baxsaday gacan ku dhiiglihii falkan geystay.