Wednesday, July 2, 2025

Haweeney Xaas ahayd oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho iyo Qoyskeeda oo dalbaday Cadaalad..

Fal kale oo naxdin ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii haweenay xaas ahayd uu arxandarro ah u dilay ninkii qabay.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Iskuulka Hanti-wadaag ee degmada Wardhiigley, waxaana qoyska haweeneyda ay sheegeen in haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Salaado Faarax Cali uu dilkeeda ka dambeeyay seygeedii oo muran qoys ka dhaxeeyay.

Ninka falka geystay ayaa la sheegay inuu ahaa macalin si weyn looga yaqaan degaankaasi, isagoo kadibna baxsaday, waxaana dilka loogu geystay guri uu ugu yeertay, kadibna uu Bir madaxda uga garaacay, sidaasina ku dhimatay, iyadoo uu gacmaha ka xiray.

Qoyska haweeneyda la dilay ayaa dalbaday inay cadaalad helaan, oo sharciga la hor geeyo dembiilaha falka ka dambeeyay, waxaaana kiiskan oo CID-da lagu baaray aan weli ka hadlin hay’adaha amniga magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON