Dowladaha Turkiga iyo Hay’adaheeda Amniga ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Qarixii shalay ka dhacay magaalada Istanbul,kiyadoo soo bandhigay haweeneydii ka dambeysay boorsadii qaraxa iyo xogta laga helay.
Magaca Haweeneyda ayaa lagu sheegay Axlam Albashir, waxayna u dhalatay Daka Suuriya, iyadoo ay shaqaaleysiiyeen ururka shaqaalaha Kurdiyiinta PKK oo ah jabhad dagaal kula jira dowlada Turkiga, waxayna u tabbarreen Sirdoon gaar ah.
Haweeneyday ayaa si sharci daro ah ku gashay dalka Turkiga, iyada martay xuduudka Afrin-Idlib ee u dhaxeeya dalalka Syriya iyo Turkiga si ay howshan u fuliso.
Haweeneydan oo wadatay taleefoon Mobile ah oo ay ka soo qaadatay magaalada Kobane ee Suuriya kuna timid Istanbul, Booliisku oo dabagal ku hayey teleefoonkaasi ayaa xiririkiisa waayey habeen, waxayse hadda qabteen ninkii haweeneyda kaxeeyey xilligaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in haweeneyda is qarxisay Isgoyska wadadda Xoriyadda eee Istanbul ay u qorsheysneyd inay maanta isaga baxdo dalka Turkiga, una gudubto dalka Giriiga haddii aan gacanta lagu soo dhigin
Booliska Turkiga ayaa sheegay inay hayaan Cod maqal ah oo ururka PKK uu amaray in la dilo marka uu qaraxa dhaco, si aan qaban xogteedana lo oogaan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegay in booliska ay sidoo kale gacanta ku dhigeen qof looga shakisan yahay in amar lagu siiyay inuu toogto haweeneyda qaraxa ka fulisay magaalada Istanbul.
Ciidamada Booliska Turkiga ayaa 46 qof u xiray kiiska Qaraxa Isbtanbul oo baaritaankiiisu socdo, waxayna dadkaasi ka tirsan yihiin Jabhadda PKK
Qaraxa Istanbuul waxaa ku dhintay 6 qof, waxaana ku dhaawacmay 86 oo 5 ka mida ay xaaladoodu culus tahay, dowladda dalka Turkiga ayaa ku gacan seyrtay qabka Mareykanka iyo reer Galbeedka uga fal celiyeen, iyagoo ku eedeysay inay tageeraan ururkaa PKK ee argagxiisada ah.
