Hay’adaha amniga Turkiga ayaa gacanta ku dhigay Haweeney la sheegay inay ka danbeysay Qarixii shalay ka dhacay Magaalada Ganacsiga dalkaasi ee Istanbuul.
Haweneeydan oo Boorso ku siday Bambada diyaarsan, waxay dhigtay Goobta qaraxu ka dhacay ee wadadda Xoriyadda, waxaana ay qaraxday muddo yar kadib, iyadoo goobta isaga baxsatay, balse waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada Turkiga.
Wasiirka Arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la qabtay 21 qof oo ku lug leh Qaraxa, isla markaana uu ka danbeeyay ururka Kurdiyiinta ee Turkiga ee PKK oo dagaal kula jira dowladda Turkiga.
Qaraxa Istanbul ayaa waxaa ku dhintay 6 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 81 qof oo kale, iyadoo shan ka mida uu xaalkoodu halis yahay.
