Haweeney baraha bulshada ku qabsatay marka ay soo dhigtay Video sarkaal ka tirsan ciidamada booliska basle ahaa saygeedii hore oo garaacaya ayaa muuqaal kale ku dalbatay in lasii daayo.
Video-ga hore ayaa xaami ka noqday baraha bulshada, waxaana wadaagay boqolaal qof oo askariga xirnaa dharka Booliska si weyn u eedeeyay, waxaana markii danbe arrinta soo farageliyey wasaaradda amniga oo shaacisay in askariga oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska xabsiga loo taxaabay.
Xamdi Cali ayaa mar kale baraha bulshada u adeegsatay inay dalbato sii deynta Yuusuf Xudubey oo ay gabar u dhashay, waxayna sheegtay in arrintii dhex martay la dhammeeyay, iyadoo ka codsatay dowladda Federaalka in la sii daayo gabadheeda aabaheed oo aan kiiskiisa la siyaasadeyn.
Baraha bulshada ayaa saameyn weyn ku yeeshay nolosha Soomaalida, waxayna isu bedeleen goobo qof waliba isku bandhigo, tiiyo aanay jirin xad iyo sharciyo kala maareynaya.