Monday, November 30, 2020
More

    Haweeneydii u dooneyd Weriyihii la dilay ee Jamal Kashoqgi oo Dacwad kusoo oogtay Dhaxal-sugaha Sacuudiga

    Haweeneeydi u dooneyd ee ay u ballansanaayeen inay is-guursadaan Saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa maxkamad ku taalla dalkaan Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

    Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Nowku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Kashikji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto.

    Ad

    Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Kashoqgi, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki.

    Koox ku dhow 20 oo isgu jira sirdoonka Sacuudiga iyo gacanyareyaasha Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa dilka naxdinta leh u geystay weriye Jamal Kashoqgi, dilkaas oo ka dhacay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada ee istanbuul, Turkiga.

    Kashikji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa Washington.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,619FansLike
    2,189FollowersFollow
    5,703FollowersFollow
    151,619FansLike
    2,189FollowersFollow
    5,702FollowersFollow

    TOP NEWS

    Abiy Ahmed oo bixiyey Sir ku saabsan sidii ay Tigreega afduubka ugu heysteen Itoobiya iyo halistii ay geliyeen isaga

    Ra'iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bixiyey xog badan iyo sir ku saabsan sida madaxdii Tigreega ay afduubka ugu heysteen maamulka dowladda Itoobiya, ayna...

    XOG: Qoorqoor go’aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021 iyo Musharixiinta Mucaaradka oo kulankii..

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa go'aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021, kadib arkii uu iska dhega tiray cadaadis ay saareen Siyaasiyiinta,...

    Wakiilada Beesha Caalamka oo Garowe u tegay xalinta Muranka ka taagan Doorashooyinka Federaalka

    Wafdi ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta tegay magaalada Garowe, iyagoo la sheegay inay xal u raadinayaa muranka hareeyay Doorashda Soomaaliya. Wafdiga tegay Garowe...

    Midowga Musharixiinta oo Muqdisho Shir degdeg yeelanaya iyo Xaalado soo kordhay oo looga hadlayo..

    Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uu goor dhow shir degdeg uga furmi doono caasimadda. Shirkan oo qabanqaabadiisa ay...

    Macalinkii Alshabaab-ka noqday ee Ilka-case iyo xubno kale oo Toogasho ah lagu fuliyey (Akhriso dadkii uu dilay)

    Waxaa saaka Dil toogasho ah ku fuliyay Maxamed Xaaji Axmed oo (Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo...

    Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo shaaciyey inay qabsadeen Caasimadda Tigray, lana raadinayo Madaxtii TPLF

    Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, kadib dagaal culus oo ka dhacay. Taliyaha ciidamada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa shaaciyay...

    Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay. “Waxaan codsanayaa in xoogaa la ii daayo meesha..”

    Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore Axmed Ciise Cawad. Xaflad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!