Senate-ka Maraykanka ayaa markii u horraysay haweenay u ansixiyeya inay hogaamiso hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, kadib markii uu xilkaasi u soo magacaabay Madaxweyne Trump.
Ansixinta Gina Haspel ayaa timid iyadoo kala qaybsanaan xisbi ay ka jirtay aqalka arrintaas oo la xiriirtay biyo maxaabiista lagu hafin jiray wakhtigii Bush. Waxaa haweeneydan lagu heystay inay qeyb ka ahayd barnaamij ay hay’addani fulisay 9/11 oo dadka lagu jirdili jiray inta baaritaanka ku socdo.
Haspel oo horay uga soo shaqaysay CIA-da ayaa mar masuul ka ahayd xarun la dhihi jiray goobta madaw oo ku taallay Thailand taas oo la aasaasay wixii ka dambeeyay weerarkii 11 Sabtembar ee 2001dii.
Mike Pompeo oo hogaaminayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa xilka banneeya, isagoo noqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana markaas kadib xilkan madaxweyne Trump u sharxay Haweeneydan oo markii ugu horeysay madax ka noqoneysa CID-da.
John McCain oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo la jirdilay in kabadan shan sano oo uu ku jiray xabsi Vietnam ku yaalla ayaa horay u sheegay sida uu uga soo horjeedo haweenayda uu madaxweyne Donald Trump magacaabay, laakiin waxaa dhinaca kale ay taageero ka heshay lix xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo ansixiyey haweenaydan.
Xubnahaas waxaa ka mid ah Mark Warner oo laga soo doorto Virginia wuxuuna sheegay in Haspel ay u sheegtay in aysan ahayn in hay’addu ay adeegsato xeeladihii ciqaabta ahaa ee ay u adeegsatay dadkii ay baaritaanka ku haysay.
Haspel oo 61 jir ah ayaa hay’addan ka soo shaqaysay 33 sano, inta badan nolosheedana si qarsoodi ah ayay u soo shaqaynaysay. Waa haweeney aan weligeed guursan, isla markaana aan wax caruur ah lahayn.