Tuesday, July 8, 2025

Haweeneydii ugu horeysay oo loo magaacabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Itoobiya (Sawirro)

Itoobiya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo kale oo xil sare loogu magacaabay haweeney, kadib markii Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed uu Meaza Ashenafi u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sareysa Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Haweeneydan ayaa ahayd  Qareen  u dooda Xuquuqda Aadanaha, waxaana isla maanta xilkaasi ansixiyey xildhibaanada baarlamaanka Itoobiya, iyadoo noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota Maxkamadda Sare ee dalka Itoobiya.

Dhowaan ayey ahayd markii Sahle-Work Zewde loo doortay inay noqoto madaxweynaha Itoobiya, iyadoo taariikhda ku gasgay haweeneydii ugu horreysay oo dalka Itoobiya Madaxweyne ka noqota tariikhda dalkaasi.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Itoobiya Meaza ayaa 1995-tii madax ka noqotay urur ay ku mideysan yihiin haweenka Qareenada ah ee dalka Itoobiya, waxayna hadda ahayd Garsoore ka tirsan maxkamadda sare  ee dalkaasi, iyadoo ka qeyb qaadtay qorista Dastuurkii cusub ee Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON