Hay’ad la magac baxay Farmajo Care ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday howgal gargaar, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan cida sameysatay.
Hay’addan oo ay sameeyeen dalainyaro ku sugan Muqdisho oo la sheegay inay ka baxeen jaamacadadaha caafimaadka ayaa manta daryeel iyo daaritaanno Caafimaad oo bilaash ah ka fuliyay qaar ka mid ah Kaamamka Magaalada Muqdisho ku yaalla.
Lama oga inuu madaxweyne Farmaajo ku lug leeyahay Hay’adda, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayeen inuu asaasay, balse dhalinyarada howshan wada ayaa la sheegay inay magaca madaxweynaha qaateen iyadoo rajo ka qaba inay taageero dhaqaale ka helaan, kadib ololihii 8-da Maarso oo gargaar caafimaad ay ka sameeyeen magaalada.
Salaad Ciise Macamuud oo ku hadlaayay dhalinyarada wada barnaamijkan ayaa sheegay in ay sii wadayaan howshan oo ay ka fulin doonaan dhamaan kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla degmooyinka gobolka banaadir.