Sunday, July 13, 2025

Hay’adda Amnesty International oo Kenya ugu baaqday inay qabato C/rashiid Janan una gacan geliso Dowladda Somalia

Hay’adda Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay Soomaaliya dib ugu celiso C/rashiid Xasan C/nuur -wasiirkii Amniga Jubbaland- oo ka baxsaday xabsi uu ku jiray magaalada Muqdisho si uu cadaallada u wajaho.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in C/rashiid Janan loo heysto denbiyo ka baxsan bani’aadamnimada, kana baxsaday inuu wajaho cadaaladda oo maxkamad uga socotay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Kenya ku adkeysay inay Ninkaasi ku celiso Soomaaliya u gacan geliso hay’adda sharciga.

“Dowladda Kenya waa inay si degdeg u qabtaan C/rashiid Janan, una gacan geliyaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay maxkamad cadaalad ah soo saaraan iyadoo aan dib loo dhigin si degdeg ah…” ayuu lagu yiri qoraalka Amnesty International.

Amnesty ayaa ogaatay in C/rashiid Janan uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ka baxsaday magaalada Muqdisho, waxaana 31 Ogost 2019 laga qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON