Thursday, June 26, 2025

Hay’adda Amnesty International oo ku baaqday in degdeg Maxkamad loo soo taago Wasiir C/rashiid Janan

Hey’adda caalamiga aha ee xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhoweysay xariga Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid  Xasan Cabdinuur (Janan), iyadoo ku baaqday in maxkamad lasoo taago, laguna soo oogo dembiyo uu ku eedeysan yahay.

Qoraal kasoo baxay Amnesty ayaa lagu sheegay in C/rashiid Janan loo heysto xadgudubyo ka dhan bani’aadanimada, ayna talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday ay ahayd in la xiro Wasiirka amniga Jubaland, waxayna soo xigatay eedo ay u jeediyeen Wasiirka la xiray Guddigii Q/Midoobay ee Monitorin Group ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

“Qabashada Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee ay geysteen, shaqsiyaadka awoodda badan ee Soomaaliya, iyadoo aan lala xisaabtamin sanado badan”Sidaas waxaa yiri Agaasime Kuxigeenka Bariga iyo Geeska Afrika ee Hey’adda Amnesty International Mr Seif Magango.

Wasiir C/rashiid Janan ayay ciidamada dowladda Somalia ka qabteen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, wuxuuna Taliska Boolisku sheegay inay u xireen dembiyo lagu soo eedeeyay.

HOOS KA AKHRISO WARKA AMNESTY INTERNATIONAL

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON