Sunday, July 13, 2025

Hay’adda Culimada Sacuudiga oo soo saartay farriin ku saabsan Salaadaha Jameecada & Taraawiixda..

Hay’adda Culimada waaweyn ee dalka Sacuudiga oo ah Hay’adda uu sareysa ee Diiniga ah dalkaasi ayaa soo saartay farriin ay u dirtay muslimiinta adduunka oo ku saabsan salaadaha taraawiixda ee Bisha Ramadaan iyo salaadaha kale ee lagu oo masaajidda sida Jameecada iyo Jumcada.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan muslimiinta caalamka daafihiisa ku nool inay salaadaha Waajibka ah iyo Taraawiixda ku tukadaan guryahooda, haddii dalalkooda ay soo rogeen amarro ah inay dadka kala fogaadaan..” ayaa lagu yiri farriinta hay’adda Culimada Sacuudiga.

Waxaa kaloo qofka muslimka ah loogu baaqay inuu ka fogaado meelaha dadka badan isugu yimaadaan oo cudurku ka faafi karo, iyadoo kula talisay in qofka muslimka ah uu gurigiisa ku afuro sidaasina uu ajar ku helayo, dadkanna ku badbaadinayo.

Muftiga Sacuudiga Sheekh C/casiis Aala-sheekh ayaa dhowaan sheegay in Guryaha lagu tukado salaadaha taraawiixda iyo kuwa waajibka ah inta uu jiro cudurka aafada ah ee Coronavirus.

Sacuudiga ayaa waxaa cudurka Coronavirus qaba dad ka badan 8000 qof, waxaana u dhintay ilaa 90 qof, iyadoo muddo bil ka badan bandow saaran yahay magaalooyinka dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON