Tuesday, June 24, 2025

Hay’adda Dembi baarista Mareykanka FBI oo xirtay La-taliyihii Gaarka ahaa ee Madaxweyne Trump

La-taliye madaxdweynaha Mareykanka ee dhinaca ololaha doorashada Roger Stone ayaa xabsiga loo taxaabay markii lagu soo eedeeyay shan kiis oo demiyo loo heysto ah.

Ninkan oo saaxiib muddo dheer la soo ahaa madaxweyne Trump ayey Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ku xirtay Gobolka uu degan yahay ee Florida, waxaana eedeymaha loo heysto ka mida u been sheegidda Koongareska, is hortaag Cadaaladda iyo cadaadis uu saaray marqaatiyaal.

Roger Stone ayaa waxaa loo xiray dhowr eedeymo oo la xiriira baaritaanka uu dacwad oogaha gaarka ah ee Mareykanka Robert Mueller ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sanadii 2016.

Isagoo saxaafadda la hadleyay ayuu sheegay Mr. Stone inuusan wax dembi ah gelin oo eedeynta loo soo jeediyey ay tahay mid la siyaasadeeyay, isla markaana aanu wax ku lid ah madaxweyne Trump marna sheegi doonin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON