Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa xabsi dhigtay sawirqaade caan ka ah baraha bulshada Soomaalida.
Sawir-qaadaha oo lagu magacaabo Mukhtaar Nuur waxaa si weyn loogu yiqiin baraha bulshada sida Youtube-ka, Twitter-ka, Facebook iyo Instigram-ka, wuxuuna soo gelin jriay muuqaal iyo sawirro ka hadlaya quruxda dalka.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in habeenkii afraad caawa uu ku jiro xabsiga Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya, waxaana la qabtay Khamiistii, iyadoo aan la sheegin sababta ay u xireen ciidamada NISA.
Mukhtaar ayaa hore la-taliye ugu soo noqday Hay’adda Samafalka ee Danish Refugee Counsil, wuxuuna ahaa wiil dhalinyaro ah oo firfircoon, Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka.