Agaasime si KMG ah u sii haya ayaa la qorsheynayaa in loo dhiibo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA.
Xogta laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaysa in xilligan aanu diyaar ahayn qofkii loo si rasmi ah loogu magacaabi lahaa Agaasimaha NISA, kadib markii laga xilkaasi laga qaaday taliyihii hore C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Waxaa lagu wadaa in agaasime KMG ah looga dhigo Hay’adda NISA mid ka mida agaasime ku xigeenada ay leedahay oo ah ninka lagu magacaabo Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo madaxda sare ay isku raaceen inuu sii wado howsha taliska NISA.
Hay’adda Sirdoonka ee NISA ayaa ka sokow shaqada adag ee laga sugayo waxaa ku baxda miisaaniyadda ugu badan ee dowladu geliso dhinaca amniga iyadoo kaalmo kala duwan ka hesha dowlado dhowr ah, taasoo keentay inay isu bedesho il dhaqaale halkii ay ka noqon lahayd tan ugu shaqada adag dowladda.