Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa soo bandhigtay muuqaalka nin ay sheegtay inuu ka tirsanaa Warbaahinta Al-Shabaab.
Ninakn oo aan magaciisa la sheegin ayey sheegtay Hay’adda NISA in lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir, kadib markii xog ay heleen ay ku howlgaleen ciidamada nabadsugidda dalka.
“NISA ayaa Degmada Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta Alshabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan…” ayaa lagu yiri qoraalka ay faafisay Hay’adda NISA.
Muuqaalka ninkan ayaa da’diisu tahay meel dhexaad., waxaana NISA aysan faahfaahin kale ka bixin xaaladiisa, magaciisa, warbaahinta uu ka shaqeeyo ee Alshabaab; mana jiraan caddeymo kale oo lasoo bandhigay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan lagu magacaabo C/laahi Yare oo Madax ka ahaa Qaybta Warbaahinta Alshabaab, kaasoo la sheegay inuu ku jiray liiska xubnaha ay raadineyaan Sirdoonka Maraykanka.


