Thursday, June 26, 2025

Hay’adda NISA oo Warbixin La-yaab leh kasoo saartay Xaaladda Maxbuus Mukhtaar Roobow (Akhriso)

Ma rumeysan lahayd in bil Waliba ay Hay’adda NISA ku bixiso Maareyso Nolosha Mukhtaar Roobow lacag dhan $7000

Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Warbixin la-yaab lah kasoo saartay xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuur Mansuur) oo muddo 3 sano ah maxkamad la’aan u xiran NISA.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha KMG ah Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, qoyskiisuna ay joogto u arkaan oo lagu hayo Guri ammaan ah.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka oo lagu caddeeyay inuusan buuxin shuruudihii isa soo dhiibista.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA

Hay’adda Sirdoonka & Nabad-sugidda Qaranka (XAFISKA TALIYAHA)
REF: XTC/HSNQ/LD/018/21
27 Dec, 2021

Ku: – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Og: – Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Og: – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ujeedo: – Warbixin Ku Saabsan Xaaladda Mukhtaar Roobow Cali

Mudane Wasiir,

Anagoo tixraaceyna warqadda Wasiirka Amniga Gudaha oo tirsigeedu tahay WAG/XW /206/ 21, kuna taariikheysan 26 Dec, 2021. Waxaan halkan kugu soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo ahaa amiir ku-xigeenkii hore ee kooxda argagixisada Al Shabaab, kaasoo sheegtay inuu isku soo dhiibey Dowladda, balse aan buuxinin shuruudihii isa soo dhiibe laga doonayey.

Mukhtaar Roobow wuxuu deganyahay guri amnigiisu suganyahay waxaana qaabilsan ciidamo si gaar ah u xaqiijiyo amnigiisa iyo midka hoyga uu deganyahay. Waxaa si joogto ah ugu yimaado soona booqda qoyskiisa iyo xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbado.

Xaaladdiisa caafimaad waa caafimaad qab, wuxuuna leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladdiisa caafimaad. Hoyga uu deganyahay waxaa u yaalo qalabka jimicsiga oo dhameystiran. Sidoo kale, waa ardey dhigto Jaamacadda heerka 2aad ee Master Degree, xiriir joogto ah la leh macalimiintiisa.

Mukhtaar noloshiisa waxaa bil walba HSN uga baxda lacag dhan 7000$ (Todobo Kuno oo doolarka Mareykanka ah) si loogu maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa.

Mukhtaar Roobow maadaama uu soo noqdey sidaad la socoto xubin sare oo ka tirsan argagixisada Al Shabaab, isla markaasna uusan buuxinin shuruudaha isa soo dhiibaha loo dejiyey, waxaan caddeynaynaa in waajib naga saaranyahay Amnigiisa, sidoo kalena aan bulshada ka ilaalino khatar walba oo dhankiisa uga imaan karta.

Mahadsanid
G/Sare Yaasin C/llaahi Maxamuud
KUSIMAHA TALIYAHA NISA

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON