Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia ee NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye uu ka danbeeyay dal shisheeye.
Qoraalka NISA oo aan lagu sheegin dalka la eedeeyay ayaa u qornaa: “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis..”
Shalay ayey ahayd markii Wargeyska YeniSafak ee dalka Turkiga lagu qoray maqaal dheer oo Madaxweynaha Imaaraadka Mohamed Bin Sayed ku eedeeyay inuu amray, kana danbeeyay qaraxii Muqdisho, waxaana muuqata in NISA uu warkeeda dalka ku hayo warbixino dibadda ka yimid. [Akhriso]
Loolanka u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Qatar oo dhinac ah iyo Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar oo dhinaca kale ah ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay xaaladda Somalia, taasoo hadda gaartay in la siyaasadeeyo qaraxyada Argagixiso.
Dalka Qatar ayaa hore loogu eedeeyay inuu abaabulay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, kadib warbixin dheer oo lagu qoray Jariirada caanka ah ee New York Times oo soo xigatay telefoon laga duubay safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo ganacsade u dhow Amiirka Qatar oo sheegaya in qaraxaasi loola dan lahaa sidii Imaaraadka looga eryo dekadda Boosaaso.