Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta dib uga bilaabeysa magaalada Garowe ee maamulka Puntland, kadib markii uu hakad ku jiray in mudo ah.
Hay’adda ayaa beenisay inay joojisay bixinta Baasaboorada ee Xafiiskeeda magaalada Garowe, iyadoo ay soo baxeen warar ku saabsan inuu khilaaf ka dhex taagan yahay shaqaalaha hay’adda iyo maamulka Puntland, taasoo keentay inay hakadaan arrimaha Baasaboorka.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sheegay in Hay’adda oo markii hore deganeyd Guri Kiro ah , laakiin ay hadda xarun weyn ka dhisatay magaalada Garowe, halkaasi oo ay ka sii socon doonto howsha Shacabka ay u heyso Hay’adda.
Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ku wargelisay dadka ku xiran xarunta Garowe in adeegga bixinta Baasaboorka dib u bilaaban doono maanta oo ay tariikhdu tahay 13/03/2018.
Hay’adda ayaa waxa ay cadeysay in aysan matalin isla markaana wax mas’uuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.