Friday, June 27, 2025

Hay’adda Socdaalka Somaliya oo war kasoo saartay Nin rakaab ahaa oo laga waayay Diyaarad ku socotay Nairobi

War ay soo saartay Hay’adda Socdaalja iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay inay gacanta ku heyso qof ka tirsanaa rakaabka diyaarad ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagu waayay garoonka Wajeer.

Hay’adda  Socdaalka Soomaaliya oo warkan qofkan baahisay kadib toddobaad markii kiiskaasi soo abxay ayaa sheegtay in Qofka la waayay lagu reebay Garoonka magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacneyd iyadoo laga shakiyay dal-ku-gala (Viisaha) uu watay, taasoo keentay in laga reebo diyaaradda laakiin ay dhacday in Boorsadii uu watay ay raacdo Diyaaradda.

Diyaarad ay u kireysneyd Q/Midoobay oo lagu qabtay Garoonka

Qofkan ayaa ah uwaaddin Soomaali oo ku socday dalka Kenya, lamana shaacin magaciisa iyo cidda uu yahay, isla markaana waaxda socdaalka Soomaaliya ma sheegin waxa xaalkiisy ku dambeeyay.

Laamaha socdaalka Kenya ayaa weli raadinaya qofkan, iyadoo war ay soo saareen ku sheegeen inay ku daba jiraan qofkan, waxaana arrintan ka muuqda inaysan xiriir toos ah lahayn labada hay’ad socdaal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON