Heegan sare iyo feejignaan ayaa la geliyay ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in la digay falal qaraxyo ah oo magaalada ka dhicii kara 48-ka saac ee soo socota.
Ciidamo fara badan ayaa lagu arkay wadooyinka iyo Isgoysyada Muqidsho, waxaana socda howlgallo lagu qaaday xaafadaha magaalada iyo baaritaannada Gaadiidka.
Arrintan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay warar sirdoon oo ku saabsan weerarro ay damacsan tahay Alshabaab inay ka fuliso magaalada Muqdisho oo laga war helay.
Maanta ku beegan 17-ka Ramadaan oo ah maalintii uu dhacay dagaalkii Beder ee Muslimiinta iyo Gaalada dhex maray, waxaana kooxaha hubeysan ee islaamiyiinta ah sida Alshabaab ay ku soo beegaan weerarro waaweyn.
Kooxda Alshabaab ayaa bnshan Ramadaan xoojisay falalka khaarijinta dadka magaalada Muqdisho, waxaase yaraaday weerarradii waaweynaa ee ay qaadi jirtay, taasoo loo aaneynayo howgalka ciidamada gaarka ah ee loo sameeyay ammaanka Muqdisho.
Goobjooge