Monday, July 14, 2025

Heshiis Dood ka dhaliyey xildhibaannada Baarlamaanka oo Ajnabiga u ogolaanaya inay Kaniisado ka dhistaan Dalka

Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa dood ka keenay heshiis ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya soo hordhigtay Golaha oo ku saabsan Axdiga 1954 ee ilaalinta Hanti-Dhaqameedka Xiliyada colaadaha iyo habraacyadiisa oo akhrinta koowaad la marsiiyey.

Kulankii maanta waxaa shir guddoomiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, ayey xildhibaannadu uga doodeen heshiiskan oo ay saxiixeen 82-dowladood, iyagoo qaarkood sheegay inuu ka hor imaanayo diinta islaamka, iyadoo ay ku jiraan qodobo u ogolaanaya dadka ajnabiga ah ee diimaha kale heysta, kuna nool dalka inay dhisan karaan Kaniisado.

Xildhibaannada qaarkood ayaa soo hadal qaaday Taallooyinka ay dowladda Soomaaliya dib u soo celisay ee magaalada Muqdisho, waxayna ku doodeen inaan loo eegin wax ay ka qabto diinta islaamka iyo inay ka faa’iideysan karaan kooxaha xagjirka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON