Friday, July 4, 2025

Heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Xasan Sheekh, Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe

Waxaa soo baxaya heshiis hoose oo dhex maray madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku saabsan xal u helidda muranka ka taagan Baarlamaanka Jubba.

xasan-iyo-madoobe
Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh

Heshiiska ayaa ah mid dhinac marsan go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ku laalay sharcinimada Baarlamaanka Jubba iyadoo doorashadii Axmed Madoobe ay ka gaabsatay xukuumadda iyo madaxtooyada ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa socday qorshe lagu doonayo in Baarlamaanka Jubba lagu daro 20 xubnood si loo qanciyo beelaha gadoodsan oo ay ugu horeeyaan Mareexaan iyo Digil & Mirifle.

Axmed Madoobe ayaa ogolaatay arrintan kadib markii uu xaqiijiyay in  la doortay oo aanay isagu wax saameyn ah ku yeelaneynin kordhinta Baarlamaaka Jubba isagoo markii hore diiday intii aanay doorashada dhicin oo cabsi  weyn uu ka qabay inay taasi saameyn ku yeelato dib u doorashadiisa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa olole weyn ugu jira in xubnaha lagu darayo Baarlamaanka Jubba ay siiyaan dhinacyada ka horjeeda Axmed Madoobe iyadoo culeys lagu saarayo inay la heshiiyaan, iyadoo caleemo saarkiisuna ay ka qeyb geli doonaan madax uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Axmed Madoobe iyo beeshiisa ayaa si buuxda u taageeray madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo xildhibaanada Beesha Axmed Madoobe ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON