Heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo magaalada Jigjiga ay ku kala saxiixdeen madaxweynayaasha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qarka u saaran burbur kadib markii saddex rag ah lagu dilay degaanka Kaxandhaale.
Itoobiya ayaa ka baaqsaday wafdi saraakiil ah oo ay u diri lahayd magaalada Cadaado, waxayna dib ula soo noqotay ciidamo ay geystay garoonka magaalada Cadaado, waxaana arrintan ay sii xumeysay xiriirka labada dhinac.
Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray dilka saddexa nin, iyadoo sheegay inay ka xun yihiin dilkaasi, waxayna ku celiyeen inay diyaar u yihiin fulinta heshiiska labada dhinac, laakiin ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Kilinka Shanaad iyo dowladda Itoobiya marka laga reebo inay hakisay xiriirkii labada dhinac.
HOOS KA AKHRISO WARKA KASOO BAXAY GALMUDUG
3-dan ruux waxaa la dilay markii gaarigooda la xabadeeyey meel u dhow Kaxan dhale ee gudaha dalka . Dambiilayaashii falka geystayna wey baxsadeen.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug waxuu faray hay’adaha amniga in gacanta lagu soo dhigo dambiilayaashaas oo maxkamad la soo taago sida ugu dhaqsiyaha badan.
30kii April 2016 wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa gaaray magaalada Jigjiga, xarunta Dowlad Goboleedka Soomaalida ee dalka Ethiopia oo uu wadahadal iyo xaajood la soo qaaday madaxda heer gobol iyo heer Federaal ee Ethiopia oo laga wada hadlay rabshadihii ka dhacay xuduudaha 23kii April 2016.
Iyadoo la raacayo heshiiskii labada dowladood ee Ethiopia iyo Soomaaliya, Dowlad Goboleedka GalMudug waxey bilowday dhaqangelinta heshiiskaas oo la fuliyey barnaamij bulshada lagu wacyigelinayo. Sidoo kale Dowladda GalMudug waxey magacowday guddigii isku dhafka ahaa ee ka wada shaqeynta xuduudaha.
Iyadoo aan sii wadeyno xiriirka wadashaqeyneyd ee GalMudug ay la leedahay Dowlada Is-Maamulka Soomaalida ee Ethiopia iyo ka wada shaqeynta amniga iyo nabadeynta xuduudaha, haddana marwalba waxaa GalMudug ka go’an fulinta iyo dhaqangelinta heshiiska marna ma oggolaaneyso wax walba oo wax u dhimi kara heshiiskaas, nabada iyo amniga labada shacab ee deegaanka.
Goobjooge.com